Langue   

Dhudhummada aan jaraa

Kuule Yusuf Geedi
Langue: somali




Dhulkii hooyo iyo hilmihii aad dhashiyo waxaad dhaafsatay
Italiya dhex joog
Dhabbo jiifsi iyo dhalo alkool ah ayaad dhaafsatay
Dhawrasaney i maqal dhibaato aa jirtaa Itaaliyaa dhex taal
Haddaad dhawri lahayd dhayda saari lahayd dhalaad dhafsan lahayd

Dhowrasanow i maqal dhibaato way dhacdaa
caqli dhawacmoo alkool dhaqdaa
Dhab uma soo noqdee

Dhowrsaney i maqal Ruux dhoofayoo, ilmaha oo dhaliyoo
Dhowrsan jaclaa waxaan dhib iyo dhuuniga u waa
Caqli dhaawacmiyo dhimashaa ka roon

Dhowrsaney i maqal dhibaato aa jirtoo
Sooma dhoofi karo kumana dhigi karee
Dhudhummada aan jaraa



Page principale CCG

indiquer les éventuelles erreurs dans les textes ou dans les commentaires antiwarsongs@gmail.com




hosted by inventati.org